Warning: Parameter 1 to wp_default_styles() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/somali/wp-includes/plugin.php on line 579

Warning: Parameter 1 to wp_default_scripts() expected to be a reference, value given in /homepages/45/d435844064/htdocs/somali/wp-includes/plugin.php on line 579
Socdaalkii Gobalka Kentucky,Magaalada Louisville. | Majliska.org

Socdaalkii Gobalka Kentucky,Magaalada Louisville.

Print

Illahay Fadligiis Waxaan soo gaaray Galabtii khamiista ahayd ee taariikhdu ku beegnayd May 07,15 magaalada Louisville Ee gobalka Kentucky. Magaaladan ayaa waxaa Ku yaalo Masaajid lagu magacaabo Masjidu Al-Bilal oo Kamid ah Maraakista ka tirsan Golaha Imaamyada ee Waqooyiga Ameerica.

Waxaa ku nool Soomaali lagu qiyaaso 4000-5000 Golaha Iimaamyada ee Waqooyiga Maraykanka ayaa waxay ka hirgaliyeen sanadkii 2013-kii Masaajidka Bilaal iyagoo kaa shanayo Jaaliyada dagan magaalada oo ay hormuud ka ahaayeen Gudiga Masajidka.

Ilaahay fadligiis waa masaajidkii ugu horeeyay ee ay Jaaliyada Soomaaliyeed ka taagaan gobalkan Gaar ahaan magaaladan Louisville,KY. Waxaa sidiiran iigu Soo dhaweeyey magaalada Gudiga Masaajidka oo uu hor kacayo Imaamka Masaajidka Sheikh Dhayib.

Waxaa Illahay fadligiis noo bilowday maalintii shalay ahayd oo jimca ahayd Nashaadaadkii dacwiga ahaa ee aan u imid magaalada illaa Maanta oo Sabti ahayd. Waxaan kulamo layeeshay Maamulka Masaajidka waxaana ka dhagaystay warbixinada Masaajidka iyo Guud ahaan Jaaliyada.

Waxaan is dhaafsanay wada tashiyana ka samaynay sidii lagu hormarin lahaa dacwda gobalka oo dhan,waxuuna noogu dhamaaday kulankii si guul ah illaahay fadligiis.Barri oo Axad ah insha Allah Waxaan booqan doonaa Magaalada Nashville,TN Gaar ahaan Masajidka Al -Faroq, halkaas oo aanu kulan kula yeelan doono Maamulka Masaajidka.

Soo duceeya illahayna Waxaan ka baryayaa inuu dariiqa toosan nagu hagaaajiyo, kuwo Dacwada u shaqeeyana naga yeelo. Aamiin. Walalkiin Abdullahi Abul-Fadli. Madax Golaha Fulinta Ee Majliska.